Wafti Wasiirro ah oo ka socda Dawladda Itoobiya oo booqasho ku yimid Somaliland

Wedti  heer wasiir ah oo ka socda dalka Itoobiya uuna hoggaaminayo wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Itoobiya, Suufi Axmed ayaa shalay galinkii dambe socdaal shaqo ku yimid Somaliland.

Wafti Wasiirro ah oo ka socda Dawladda Itoobiya oo booqasho ku yimid Somaliland

Weftigan ayaa waxay ka koobnaayeen wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Wasiirul dawlaha Maaliyadda, Agaasimeyaal guud oo ka socday Hay’adaha horumarinta wadooyinka, tareenadda,korontadda iyo wakaaladda qeybinta shiidaalka.

Waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle, iyo wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay weftigani dalka u yimaadeen sidii xidhiidhka labadda dal loo xoojin lahaa, isla markaana ganacsiga iyo maalgashiga iskaga kaashan lahaayeen, isagoo xusay inay doonayaan in ay sameeyaan Tareen isku xidhi doona Somaliland iyo Itoobiya iyo sidii Somaliland uga faa’iidaysan lahayd Laydh-ka Itoobiya oo la soo gaadhsiin lahaa Somaliland.

Sidoo kale, wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa sheegay inay Somaliland u yimaadeen sidii ay isku kaashan lahaayeen, isla markaana xaga ganacsiga ka wada shaqayn lahaayeen, isagoo amaanay horumarka Somaliland ka jirta.

“Waxaanu u nimid Somaliland sidii xaga ganacsiga,  iyo wada shaqaynta naga dhexeysa u horumarin lahaa, Somaliland waa goob nabad ah oo wax badan is waydaarsan karno, waxbadana ka wada shaqayn karno, sidii xaga dhismaha wadooyinka iyo sidii ganacsiga loo xoojin lahaa, waxa kale oo aanu ka wada hadlaynaa sidii waddo tareeno loo samayn lahaaa  mustaqbalka oo isku xidhi doona Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay Itoobiya doonaysa sidii u isticmaali lahayd Dekadda Berbera ee Somaliland iyo sidii maalgashiga ugu samayn lahaaa Somaliland”ayuu yidhi wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo ka hadlaya ujeedadda safarkoodda.

Weftidan muddada ay socdaalka ku joogaan Somaliland, waxay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirrada.

Weftigani waa kii ugu cuslaa ee ka socda dawladda Itoobiya ee  Booqashadda ku yimaada Somaliland.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  ay o Somaliland wafdi yimadeen

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS