War Deg Deg ah:- Mas’uul ka tirsan Dowladda oo Muqdisho lagu Dilay

War goor dhaw naga soo gaaray Degmada wada jir Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu  sheegayaa in la dilay Mas’uul katirsanaa Maamulka Gobolka Bnaaadir oo Isagu ku sugnaa Degmadaas.

War Deg Deg ah:- Mas’uul ka tirsan Dowladda oo Muqdisho lagu Dilay

Dilka ayaa abaare 8:30 subaxnimo saaka waxa uu ka dhacay meel ku dhaw Xaafada Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir waxaana lagu dilay Gudoomiye kuxigeenka Dhinaca Ariamha Bulshada ee Maamulka Degmada H/wadaag Yuusuf Hilaal.

Koox hubeysan ayaa gaari ay wateen ku hor gooyey gaari uu watay Gudoomiyaha kadibna ay rasaas ooda kaga qaadeen taasi oo keentay in dhowr xabadood ay ku dhacaan ugu dambeyna uu geeriyooday.

Warar kale aan helayno waxay sheegayaan in Gudoomiyaha ay la geeriyoodeen labo Askari oo katirsanaa ilaaladiisa.

Dableydii falka geysatay ayaa iskaga baxsaday meesha waxaana maalmahan dambe Muqdisho kusii kordhayey weerarada ay fulinayaan kooxo saaran gaadiid oo intay rasaas ku furaan dadka ay rabaan kadibna baxsada iyadoo dawlada iyo laamaha Amanaku ay sheegayaan in wax ka qabanayaan arimahaasi.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dhacay dil ka muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS