7 entries

Articles Published on November 12, 2014

War Deg Deg ah:- Mas’uul ka tirsan Dowladda oo Muqdisho lagu Dilay

War goor dhaw naga soo gaaray Degmada wada jir Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu  sheegayaa in la dilay Mas’uul katirsanaa Maamulka Gobolka Bnaaadir oo Isagu ku sugnaa Degmadaas.

Ururka saxafiyiinta Bariga Afrika (EAJA) oo doortay hogaamiyaal cusub kana qaaday xilkii Cumar Faaruuq.

Ururka saxafiyiinta Bariga Afrika (EAJA) ayaa doortay hogaamiyaal cusub kadib markii isbedel lagu sameeyay mas’uuliyiinta ururkaas oo ah mid u dooda saxafiyiinta Bariga Afrika.

Daawo Sawirada Foodadii maanta ka dhacday Kulankii Baarlamaanka iyo Xildhibaano Firimbi soo qaatay

Waxaa Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka dhacay foodo iyo buuq ay sameeyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya , arintan ayaana sababtay in uu baaqdo kulankii ay maanta ku balansanayaaeen Xildhibaanada Baarlamaanka .

Amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya Xili lagu Mashquulsan yahay Khilaafka Madaxda sare ee Dowlada

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya maalmihii lasoo dhaafay , waxaana Magaalada siyaabo kala duwan uga dhacay Qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo loo geestay dad rayid ah iyo kuwa Dowlada u shaqeeya.

Jawaari “Cid alla cidii ku geftay Xeer Hoosaadka Tallaabo laga qaadayaa, Baarlamaankana waa isku soo noqon doonaa”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Xildhibaanadii shalay buuqa kiciyay, isagoo cadeeyay in lagu kala bixi doono xeer hoosaadka.

Dr. Beyle “Shirka Copenhagen wax saameyn ah kuma yeelan doono khilaafka madaxda”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in shirka todobaadka soo socda ka dhici doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark uusan saameyn ku yeelan doonin khilaafka madaxda dowladda.

Britain oo ku baaqday in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka ee dowladda Britain ayaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka jira jirta Soomaaliya, iyadoo walaac looga muujiyay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS