Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilligan ka qeyb galaya shir ka socda Garoonka diyaaradaha (Sawirro)

Shir looga hadlayo arrimaha New Deal ayaa xilligan ka socda hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha, iyadoo shirkan uu gogol xaar u yahay shirka ka dhici doona dhowaan magaalada Copenhagen ee dalka denmark.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilligan ka qeyb galaya shir ka socda Garoonka diyaaradaha (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mas’uuliyiin ka socota Maamul goboleedyada ayaa shirkan si wada jir ah uga qeyb galaya.

Shirkan oo saddexdii bil mar la qabto ayaa looga hadlayaa waxyaabihii u qabsoomay dowladda iyo arrimaha Hiigsiga cusub (New Deal), waxaana la filayaa in madaxda dowladda ay khudbado ka jeediyaan.

Qabsoomida shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo saameeyay dhamaan hey’adaha dowladda.

Waxaa la filayaa in shirka looga hadlo arrimaha kala aragti duwanaanshaha Madaxda dowladda iyo in laga yaabo in saameyn ku yeesho arrimaha hiigsiga cusub.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

shirka-new-deal-1 shirka-new-deal-2 shirka-new-deal-3

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dalka hada Kulan madaxda socda u

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS