Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Xalay la Kulmay Wafuud Caalami ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed ayaa Xalay Kulamo Gooni gooni ah Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula qaatay Wafuud ka socoda Mareykanka,Midowga Yurub iyo QM.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Xalay la Kulmay Wafuud Caalami ah

Warar Hoose ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha lagala hadlay sidii loo xalin lahaa Khaliifka Labada Mas’uul islamarkaana Beesha Caalamka ay Xal ugu heli lahayd Mushkilada Soomaaliya oo Khilaafka uu ugu horeeyo.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in wax walba lagu Xaliyo si Wanaagsan si loo gaaro Amaan iyo Hormar .

Wararka ayaa intaa ku daraya in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty uu Labada Mas’uul kula Dardaaramay in ay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya ay mar Labaad ay Cagaheeda iskugu Taagi laheyd.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xiligaan waxaa ku Holan dhameyntiisa Beesha Caalamka.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Dalka ee madaxda sare

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS