6 entries

Articles Published on November 10, 2014

FAAHFAAHIN: Shirkii Xubnihii Mooshinka ka keenay RW Somalia oo ku baaqay inuu Isbedel dhaco (SAWIRRO)

Xildhibaanadii dhawaan mooshinka ka keenay RW Somalia, C/weli Sheekh Axmed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa shaaciyay in ay lagama maarmaan tahay inuu dhaco is-bedel, iyagoo intaa ku daray in haddii ay heshiin waayaan madaxda dalka mooshinka la hor-geynayo baarlamaanka si loogu codeeyo.

Wariye Caawa ku dhaawacmay Muqdisho iyo Ruux Shacabka ah oo la Toogtay

Nuurre Maxamed Cali oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho ayaa ku dhaawacmay Xalay qarax gaari uu watay loogu xiray, iyadoo xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir ay koox hubeysan isla Xalay  ku toogteen qof rayid ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Xalay la Kulmay Wafuud Caalami ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed ayaa Xalay Kulamo Gooni gooni ah Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula qaatay Wafuud ka socoda Mareykanka,Midowga Yurub iyo QM.

War Deg Deg ah:Qarax ka dhacay Goor Dhaw Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilligan ka qeyb galaya shir ka socda Garoonka diyaaradaha (Sawirro)

Shir looga hadlayo arrimaha New Deal ayaa xilligan ka socda hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha, iyadoo shirkan uu gogol xaar u yahay shirka ka dhici doona dhowaan magaalada Copenhagen ee dalka denmark.

Maamulka Jubba oo ku eedeeyay Al-Shabaab inay dad rayid ah ku laayeen deegaanka Kudhaa

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay dad rayid ah ku xasuuqeen deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo maalin ka hor ay la wareegeen.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS