Taliska Milateriga oo sheegay in tallaabo ka qaadayo ciidamadii lagu arko, iyagoo isbaaro dhiganaya

Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay amar u qabaan in tallaabo sharci ah ka qaadayaan ciidamadii lagu arko, iyagoo isbaaro dhiganaya, kadib markii ay soo kordheen isbaarooyin la soo dhiganayo deegaanada Shabeeooyinka.

Taliska Milateriga oo sheegay in tallaabo ka qaadayo ciidamadii lagu arko, iyagoo isbaaro dhiganaya

Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xooga dalka Jen, Maxamed Maxamuud Qaafow ayaa sheegay inay amar u qabaan inay tallaabo cad ka qaadaan askartii lagu helo, iyagoo ka qeyb qaadanaya howlo isbaarooyin ah.

“Waxaa amar u heysanaa in tallaabo sharci ah laga qaado askartii lagu helo iyagoo Isbaaro dhiganaya, waxaana Talisku waajib ka saaran in maalmaha soo socda uu tallaabooyinkaas uu qaado”ayuu yiri Jen. Qaafow.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay cabasho ka imaanayay gaadiidleyda oo ku aadan isbaarooyin la soo dhigtay deegaano ka tirsan labada Shabelle.

Dowladda Soomaaaliya ayaa marar badan ku dhawaaqday inay isbaarooyinka qaaday, hase ahaatee dib ayay u soo laabanayeen, waxaana intii howl galkaas socday ku dhintay askar ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Isbaarada

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS