Askari Xaaskiisa ku Dilay Magaalada Muqdisho

Askari la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa Saaka Xaaskiisa ku dilay Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir,waxaana la sheegay in Dilka uu Xabad u adeegsaday.
Askari Xaaskiisa ku Dilay Magaalada Muqdisho
Qof Goobjooge ah ayaa sheegay in Askariga iyo Xaaskiisa uu Khilaaf ka dhaxeeyay islamarkaana dilka uu ku saabsan yahay Arrimo Qoys. Maamulka Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ayaan wali ka hadlin,waxaana la sheegay in Askarigii Dilka geeystay uu goobta ka baxsaday sida Dadka Degmada ay noo xaqiijiyeen. Shalay ayey aheyd markii Xaafada Jaamacadaha ee Degmada Hodan lagu Dilay Haweeneey,iyadoona Dilkeeda loo Adeegsaday Tooreeyo.
Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS