7 entries

Articles Published on November 4, 2014

Wafdi ka Socda QM oo Booqday Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa booqday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Isniintii shalay, wafdigan ayaa waxaa Garbahaarey kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka, Maxamed Cabdi Kaliil.

Dhallinyaro Midiyo ku hubeysan oo degmada Hodan ku dilay qof Haweeney ah

Rag ku hubeysan midiyo ayaa calay ku dilay xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan haweeney ka mid ah dadka xaafaddaas ku nool, waxaana wararku sheegayaan raggii dilka geystay inay baxdaseen.

MADAXWEYNE XASAN: Waa in la Xaq-dhowro Madaxbannaanida Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Somalia Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Ma Muuqataa In Madaxweyne Xasan Sheikh Uusan Aheyn Nin Ka Soo Bixi Kara Hoggaaminta Dalka Iyo Xaaladaha Cakiran Ee Somaaliya Ka Jira ?:

Ummadda Soomaaliyeed maantay waxaay taagan yihiin quus,niyad jab,jahawareer baahsan,iyagoo ku soo jirey muddo dheer haddana rajadii yareyd ay heysteen waxaa mugdi geliyey Madaxweyne Xasan Sheikh ahaana kii laga sugayey inuu xaliyo,nadaam dowladnimo iyo kala dambeyn u horseedo soomaalida kala fogaatey,fowdo ku noolka noqday,isla markaana maalaayiin soomaali ah ku maqan yihiin,maaliiyiin kale ay heysato halaagga aan Damqashada laheyn.

Ergada shirka Maamul u sameynta Koofur Galbeed oo maanta ansixinaya Dastuurka

Ergada u fadhisa shirka Maamul u sameynta Koofur galbeed ee saddexda Gobol ayaa maanta lagu wadaa inay u fariistaan ansixinta dastuurka lagu dhaqi doono maamulkaas, iyadoo Gudiga farsamada uu ku adkeysanayo inuu shirka soo soconayo.

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed oo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan xalinta khilaafka Madaxda dowladda

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xaliyaan khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo ka digay inuu keeno fara gelin shisheeye iyo amni dari baahsan oo ka dhaca dalka.

Madaxda Soomaaliyeed ha ogaato inay iyagu wax xukumaane aan la xukumin.

Waxaa muuqata in dadka hada sheegta madaxda soomaaliyeed inay yihiin aanay lahay wax kalsooni ah oo dhinaca mas’uuliyada ay hayaan iyo mid shaqsiyadeedba.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS