Daawo Sawirada: Madaxda dowladda oo ka qeyb galay Aaska Taliyihii Booliska Soomaaliya

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee shalay loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Daawo Sawirada: Madaxda dowladda oo ka qeyb galay Aaska Taliyihii Booliska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamadda dalka, Siyaasiyiin, iyo dadweyne kale ayaa wadajir marxuumka ugu tukaday Salaadda Jannaasada

Allaha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa khamiistii u geeriyooday xanuun deg deg ahaa, waxaana Meydkiisa oo loo qaaday dalka Kenya, baaritaan lagu soo sameeyay kadib ayaa la xaqiijiyay in xanuun dhinaca sambabada uu u geeriyooday.

Madaxda dowladda iyo dadkii kale waxay alle uga baryeen in uu jannaadiisa ka waraabiyo ehelladiisa iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

unnamed-14 unnamed-15 unnamed-16 unnamed-17 unnamed-19 unnamed-20 unnamed-21 unnamed-23 unnamed-24

Section  Somali
Category   Local News
Tags  aas Dalka madaxda qaran

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS