6 entries

Articles Published on November 3, 2014

Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la sheegay in lagu dilay Duqeymo ay geesteen Diyaarado Dagaal

Afhayeen u hadlay Maamulka KMG ee Jubba ayaa shaaciyay in Saraakiil katirsan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab lagu dilay Duqeymo ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Kenya .

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo looga digay in lacago ku qaataan Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Somalia

Muqdisho, 2 November 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa mujiyay inuu aad uga walaacsanyahay xasaradda siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo khatar gelinaya dadaalka dalku ugu jiro inuu gaaro ujeeddooyinka siyaasadeed ee muhimka ah ee lagu qeexay Barnaamijka Aragtida 2016.

Midowga Yurub oo War kasoo saaray Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha baaqna u diray labada Masuul

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ugaga mas’uul ah dalka Soomaaliya Alexander Rondos iyo safiirka Midowga Yurub Micheele Cervone D’Urso arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay si wadajir ah u soo saareen warmurtiyeed ay ku cabirayaan aragtidooda ku aadan khilaafka ka dhexeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

Hooyo Soomaali ah oo raadineysay gabdhaheeda oo ku biirey ISIS oo lagu xirey dalka Siiriya

Hooyada labo gabdhood oo mataano ah oo la rumeysan yahay in ay ku biireen ururka ISIS ayaa isku day ay ku dooneysay in ay dib ugu soo celiso dalka Britain uu guuldareystey kadib markii ay ka warheleen sirdoonka ururka ISIS.

Daawo Sawirada: Madaxda dowladda oo ka qeyb galay Aaska Taliyihii Booliska Soomaaliya

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee shalay loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa, isagoo ku baaqay in lagu xaliyo dastuurka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS