4 entries

Articles Published on October 24, 2014

Taliska Booliska”wey nagu adag tahay wadashaqeynta Bulshada

Gaashaanle Sare Yuusuf Maxamed Faarax  oo ah Taliyaha Xariirka Bulshada Ciidamada Booliska Soomaaliyed oo maanta la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa qiray in uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya Ciidamada Booliska iyo shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isagoona taa u sababeeyay  Tasiilaadkii iyo qalabkii ay u baahnaayeen Ciidamada uu gaabis ku jira, sida uu hadalka u dhigay.

M/weyne Xasan oo fariin u diray Ciidamada ku sugan Galgaduud

M/weynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  xili uu la hadlayay  Dadka ku nool Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Ee ku sugan Gobolka Galgaduud looga baahan yahay in ay qaadaan Tilaabooyin Deg Deg ah oo Al-shabaab looga saarayo Qeybaha ay ka joogaan Galgaduud.

Jubbada Hoose: Al-shabaab oo lagala Wareegay Deegaan Muhiim ah

Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay inay saddex qof oo Al-Shabaab ahaa ku dileen dagaal ay saakay kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Biroole oo 50 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wasiir Bayle”waxaa jira Dalal aan Aqoonsaneeyn Baasaboorkeena

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo  Dhiirigalinta Maalgashiga Xukumadda Soomaaliya  Dr C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay jiraan Wadamo aqoonsan Baasaboorka Soomaaliya,halka ay jiraan Dowladdo kale oo aan Aqoonsaneeyn Baasaboorka Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS