Real Madrid oo guulaheeda sii wadata iyo Ronaldo oo goolashiisa sii wata

Kooxda Real Madrid ayaa wali ku socota wadadeeda guusha, inkasta oo ay tallaab u soo qaatay dhanka hogaanka Horyaalka Spain, balse wali waxaa ka sareysa Barcelona.

Real Madrid oo guulaheeda sii wadata iyo Ronaldo oo goolashiisa sii wata

Real Madrid ayaa xasuuqday kooxda Levante, waxaana ay uga adkaatay 5-0, Ronaldo ayaa mar kale muujiyay inuu yahay xidiga ay kooxda ku duushay, kadib markii uu labo gool dhaliyay.

Cristiano Ronaldo ayaa mid ka mid ah goolasha uu dhaliyay uu ahaa rigoore, waxaana wali loo arkaa inuu yahay xidiga ugu muhiimsan kooxda.

Goolasha kale waxaa u saxiixay Real Madrid ciyaaryahanada Chicharito Hernandez, James Rodriguez iyo ciyaaryahan Isco, waxaana Real Madrid ay leedahay 18-dhibcood.

Real oo haatan ku jirta kaalinta labaad, waxaana Barcelone oo u sareysa ay leedahay 22-dhibcood, iyadoo ciyaar iminka socota ay Barca ku hogaamineyso 3-0.

Kooxaha Valencia iyo Sevila oo ay ciyaaro u harsan yihiin ayaa hadii ay soo badiyaan ka sara maraya Real, waxaana ay u dalici doontaa booska afaraad, ha yeeshee Valencia ayaa leh 17-dhibcood halka Sevilla ay leedahay 16-dhibcood oo ay hal kulan u harsan yihiin.

Horyaalka Spain ayaa la filayaa inuu noqdo xilli ciyaareedkan mid furan oo kooxo badan ay u hanqal taagaan, inkasta oo ay wax walba dhici karaan is araga labaad iyo dhamaadka is araga hore.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  real

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS