Nin Oday ahaa oo xalay lagu gowracay degmada Baraawe
Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in nin oday ahaa oo ka mid ahaa duqeyda magaalada xalay la gowracay, iyadoo meydkiisa saaka lagu arkay meel ku dhow hoygiisa.
Sida ay sheegayaan wararka odaygan oo aan magaciisa inoo suura gelin inaan helno ayaa da’diisa lagu sheegay inay aheyd 60-sano jir, waxaana inta aan la gowricin lagala baxay gurigiisa.
Dadka deegaanka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in saakay ay ku soo tooseen wal wal iyo naxdin, markii la arkay meyd qoorta ka go’an, iyadoo markii dambe la ogaaday inuu ahaa oday degmada caan ka ahaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxo loo maleynayo Al-Shabaab inay ka dambeeyeen dilkan, waxaana la ogeyn ilaa iyo hada sababta loo dilay, hase yeeshee dadka deegaanka ay sheegayaan inuu ka mid ahaa odayaashii la kulmay wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha ee sabtidii la soo dhaafay tagay Baraawe.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda ee gacanta ku haya ammaanka magaalada, iyadoo la soo sheegayay in saakay ay ciidamada ay baaritaano ka wadeen xaafadaha degmada Baraawe.
Comments