7 entries

Articles Published on October 15, 2014

Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga dhexe ee Baledweyne

Xabsiga Dhexe Magaalada Baladweyne Xarunta Gobalka Hiiraan waxaa ka baxsaday Maxaabiis ku Xukunaa Xukuno kala duwan.

QM oo ka hadashay Khilaafka Madaxda Dalka

Ergayga Gaarkaa ee Xoghayaha Guud ee QM Ban Kin Moon u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Nikolase Kay ayaa sheegay in QM ay walwal ka muujisay Khilaafka Madaxda sare in uu saameyn ku yeesho doorashada la filayo in ay dhacdo 2016-ka.

Ciidamo ka socda Sierra Leone oo Soomaliya u soo socday oo la karantiilay kadib markii laga helay cudurka Ebola

Cutub ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Sierra Leone oo sugayay in loo soo qaado dalka Soomaaliya ayaa la karantiilay kadib markii mid ka mid ah laga helay cudurka dilaaga ah ee Ebola sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamo Milatariga.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu baaqay Madaxweynaha inuu soo fara geliyo khilaafka iyaga iyo Wasaarada Maaliyada

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu soo fara geliyo khilaafka iyaga iyo Wasaarada Maaliyada u dhaxeeya ee ku saabsan qaadista canshuuraha magaalada Muqdisho,iyadoo Maamulka ku doodayo in la duudsiiyay xaqii ay u lahaayeen inay qaadaan canshuuraha gudaha.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Madaxweynaha Faransiiska

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Paris kula kulmo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, kadib markii uu martiqaad uu ka helay.

Wasiir katirsan Dowlada oo kasoo horjeestay Qodob kamid ah Heshiiskii ay wada Gaareen Dowlada iyo Puntiland

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda ee xukuumada Somalia Mahad Maxamed Salaad ayaa sharci daro ku tilmaamay qaar ka mid ah qodobada heshiiskii ay shalay magaalada garowe ku kala saxiixdeen maamulka Puntland iyo dowlada dhexe.

Qalalaase Siyaasadeed Iyo Dagaal Gacan Ka Hadal ka dhacay Kulankii Serbia Iyo Albania(Daawo Sawirada Waxii dhacay)

Kulankii Serbia ay la ciyaareysay Albania ayaa la baajiyay ka dib markii diyaaradaha drone-ka loo yaqaano nooca yaryar ay garoonka soo dulmarsiisay calan xambaarsanaa fariin siyaasadeed taasoo keentay inay isku dhacaan ciyaartoyda iyo taageerayaasha Partizan Stadium.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS