5 entries

Articles Published on October 14, 2014

Wiil dhallinyaro ah oo xalay lagu gowracay Masjid ku yaalla degmada Kaaraan

Ruux midi wata ayaa xalay ku gowracay masjid ku yaalla xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan, wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii ku tukanayay masjidkaas salaaddii maqrib.

Dowladda Kenya oo Fanaaniinta Waayaha Cusub u diiday in ay Nairobi ku laabtaan

Kooxda Fanaaniinta Waayaha Cusub oo ah Koox Dhalin yaro ah isla markana Fadhigoodu yahay Wadanka Kenya Magaalada xarunta u ah Ee Nairobi  ayaa Hadda waxaa lagu soo waramayaa in Dowladda Kenya ay u diiday in Wadankaas ay ku laabtaan Markii ay dhawaan u duuleen Dalka Holland Iyadoo laga qaatay Waraaqihii ay dalka Kenya ku joogeen ka Hor inta aysan ka Dhoofin garoonka Diyaaradaha Kenya Ee Chama Kenyatta.

Deg Deg:-Dowladda FD iyo Maamulka Puntland oo Heshiis kala Saxiixday iyo kay oo soo dhaweeyay

Wada xaajoodii u socday Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu guul ku dhamaaday ka dib marii ay goor dhow wada saxiixeen 12-qodob Ra’iisul Wasaare Cabdiwali iyo Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Maxkamadda ciidanka Puntland Xukunno kala duwan ku riday laba eedeysane

Maxkamadda ciidamada Puntland ee Garoowe ayaa xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday laba eedeysane oo ay sheegtay in lagu helay inay ku lug lahaayeen falal argagaxisanimo.

La-taliyeyaha Madaxweynaha oo lagu eedeeyay inuu ku xiran yahay Al-shabaab

Kormeerayaasha cuno-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea u qaabilsan QM ayaa ku eedeeyay mid ka mid ah la taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab, uuna mas’uul ka ahaa hubka dowladda oo si qarsoodi ah loogu gacan-geliyay Al-shabaab.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS