War Deg Deg Ah Mid kamid ah Wariyaasha ugu Caansan Muqdisho oo Goordhaw la dhaawacay

Wararka aan goordhaw helnay ayaa sheegaya in Kooxo Hubeesan oon wali heebtooda la garan ay Rasaas ku fureen gaari uu watay Mid kamid ah Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho kana howlgalayay Telefishinka Somali Chanell.

War Deg Deg Ah Mid kamid ah Wariyaasha ugu Caansan Muqdisho oo Goordhaw la dhaawacay

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in Kooxo hubeesan ay Rasaas huwiyeen gaari uu Watay Wariye Cabdi Risaaq Jaamac Cilmi(Black) oo katirsan Tv-ga Somali Chanell, Rasaasta gaariga lagu furay waxaa ku dhaawacmay Wraiye Black iyo nin kale oo gaariga la saarnaa.

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu daweenayaa Wariye Blcak , waxaana dad aan la hadalnay ay noo xaqiijiyeen in dhoor xabadood ay ku dhacday xaaladiisana ay tahay mid aan halis aheyn waxaana la filayaa in qaliin lagu sameeyo.

Mudooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku yaraa Dilalka iyo dhibaatooyinka loo geesto Wariyaasha Caasimada ka howlgala , lamana oga ujeedka ka dambeeya Weerarka goordhaw lagu qaaday Wariye Black oo kamid ah Wariyaasha ugu caansan ee ka howlga Caasimada Muqdisho.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS