Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baraawe iyo Al-Shabaab oo sheegatay inay weerartay diyaaradii siday
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo socdaalka Madaxweynaha ay qeyb ka tahay kormeero uu ku tagayo deegaanadii u dambeeyay ee laga saaray Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa ku tagay Baraawe diyaarad Helicopter ah, iyadoo ammaanka magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow si aad ah loo adkeeyay.
Gudoomiyaha degmada Baraawe ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si nabad ah ku soo gaaray degmada, isla markaana si weyn loogu soo dhoweeyay.
“Madaxweynaha goor dhow ayuu soo gaaray Baraawe, xaafadaha ayuu hada booqanayaa, si aad u weyn ayaana loogu soo dhoweeyay”ayuu yiri Gudoomiyaha Baraawe Mr Shaacir.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sugaya ammaanka wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaana ciidamada howl galo ay saakay sameeyeen ku soo qab qabteen tiro dad ah.
Shalay ayay aheyd markii madaxweynaha uu gaaray degmada Cadale, iyadoo halkaas uu kula hadlay dadweynihii magaalada oo caleemo qoyan ku soo dhoweeyay.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerartay diyaaradii siday Madaxweynaha, inkastoo Madaxweynaha uu si nabad ku gaaray, hadana ma jirto war ka madax banaan sheegashada Shabaab.
War qoraal oo la soo dhigay boga taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay halis geliyeen diyaaradii siday Madaxweynaha, isla markaana ay u weecatay dhinaca badda, markii ay ku rideen qoriga lidka diyaaradaha.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay ee taga Baraawe muddo labaatan sano ka badan, waxaana degmadaas ay xarun muhiim u aheyd Al-Shabaab oo muddo lix sano ay ka talinayeen.
Comments