Xaalada Dagmada Baraawe oo dagan ka dib Dagaal saakay ka dhacay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay dagala culus uu ka dhacay Duleedka Magaalada iyo xaafado katirsan gudaha Magaladaasi oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Xaalada Dagmada Baraawe oo dagan ka dib Dagaal saakay ka dhacay

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Sabaab ayaa saakay weerar culus waxa ay kusoo qaadeen Farsiimiha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameesteen Duleedka Magaalada Baraawe, waxana halkaasi ka dhacay Dagaal Xoogan.

Dad ku sugan Magaalada Baraawe ayaa soo sheegaya in ay maqlayeen rasaas culus ay is dhaafsanayeen dhinacyada daaalamaya , waxaana sidoo kale rasaas laga maqlay qeybo kamid ah Gudaha Magaalada Baraawe.

Xaalada Magaalada Baraawe aya aha mid kacsan oo xiisado dagaal wali ka jiraan , waxaana inta badan xiran goobaha ganacsiga , dadka ku dhaqan Magaaladaasi ayaa aad uga cabsi qaba in magaalada ay isku badasho magaalo dagaal.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo saacadihii lasoo dhaafay ku sugnaa duleedka Magaalada ayaa maanta gudaha u galay , waxa ayna Ciidamada fariisimo ka sameesteen baro muhiim ah oo markii hore xarumo u aheed Al-Shabaab.

Dagaalkii Cuslaa ee saakay ka dhacay Duleedka Magaalada Baraawe ayaa lasoo sheegayaa in xoogiisa uu istaagay, inkastoo mararka qaar la maqlayo xabado teel teel ah oo dhacaya, lamana oga qasaaraha ka dhashay Dagaalka saakay ka dhacay Duleedka Baraawe.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS