5 entries

Articles Published on October 6, 2014

WAR DEG DEG AH:Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay qabsashada Magaalada Jilib

Ciidamo fara badan oo isugu jira kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo maamulka Jubba ayaa la soo sheegayaa iney saaka ka soo dhaqaaqeen magaalada Kismaayo iyagoo ku fool degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Masuuiyiin iyo Saraakiil katirsan Dowlada oo Goob Fagaare ah kula hadlay Shacabka ku dhaqan Magaalada Baraawe

Masuuliyiin iyo saaraakiil Ciidan oo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna goob fagaare ah kula hadleen dadweyne badan oo ku dhaqan Magaaladaasi.

Xaalada Dagmada Baraawe oo dagan ka dib Dagaal saakay ka dhacay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay dagala culus uu ka dhacay Duleedka Magaalada iyo xaafado katirsan gudaha Magaladaasi oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

WAR DEG DEG AH.Ciidanka Maamulka Jubba iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Buulo-Guduud

Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo saaka howlgalladii ugu horreeyay oo qayb ka ah howlgallada ka socda gobollada dalka ka billlaabay gobollada Jubbooyinka ayaa kula wareegay Buulo-guduud oo 30-km Waqooyi kaga beegan degmada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga oo Boqolaal Shacab ah kula hadlay Baraawe

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa saaka gudaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose kula hadlay boqolaal ka mid ah shacabka degmadaas.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS