War Deg Deg ah:Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo Gudaha u galay Dagmada Baraawe.

Wararka ka imanaayoMagaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in ay Gudaha u Galeen Ciidamada Dagmadaasi.

War Deg Deg ah:Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo Gudaha u galay Dagmada Baraawe.

Ciidama Huwanta ah oo Maalmihii Tagay ku sugnaa Banaanka hore ee Dagmada ayaa saakay la sheegay in ay u suura Gashay Galista Dagmada.

Dhoor jiha ayaa la sheegay in ay ka galeen magaalada ciidamada isbaheysanaayo dadka deegaanka ayaana sheegaayo in ay magaalada tahay xaaladeeda mid iska caadi ah oo aan ka jirin wax dhibaato ah .

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in ay hada kulama la qadan doona wax garadka iyo Bulshada dagmadaasi ku dhaqan si looga wada shaqeeyo adkeenta Amaanka iyo sidii laisaga Kaashan lahaa ka hortaga Amni daro ka imaado Shabaabkii laga saaray Baraawe.

Dhanka kale Xoogagii Al-shabaab ee ka baxay Baraawe ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca gobolka Jubbada dhexe oo ay dhammaantiis gacanta ku hayaan, lamana oga tallaabada xigi doonta qabashada Baraawe.

Al-shabaab weli kama hadlin qabsashada degmada Baraawe, iyadoo horay ay degmadaas uga barakaceen inta badan dadkii ku noolaa, waxaana ay u arkaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM degmada meel muhiim u ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS