Fafaahin ku adan Xaalada Dagmada Baraawe

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen saaka degmada Baraawe oo ka mid ah degmooyinkii ay ku xooganaayeen ururka Alshabaab.

Fafaahin ku adan Xaalada Dagmada Baraawe

Ururka Alshabaab ayaa ka baxay degmada Baraawe waxana ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Baraawe iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhicin. Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in maanta ay kulan la qaadan doonaan qeybaha bulshada degmada Baraawe iyagoo kala hadli doonaan sidii ay u taageeri lahaayeen dowlada federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa fariisimo ka sameystay gudaha iyo duleedka magaalada, iyagoo baaritaano ay ka wada xaafado ka mid ah degmada Baraawe. Inta badan dadka ku nool degmada Baraawe ayaa ka barakacay.

Duulaanka la magac baxay Badweynt Hindiya oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM bilaabeen dhowaan ayaa gaaray degmooyinka kulaala xeebaha badweynta Hindiya ee gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose kadib markii ay la wareegeen degmooyinka Cadale iyo Baraawe.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS