Faa,faahin ku aadan Qabsashada Dagmada Baraawe ee G/Shabellaha Hoose.

Wararka ka imaanayo Magaalada Maraawe ee Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheeGAYAAN IN AY GAREEN Ciidamada ka mid ah kuwa dowlada Soomaaliya iyo Amisom oo qeeb ka ah Dagalka ka dhanka ah Shabaab

Faa,faahin ku aadan Qabsashada Dagmada Baraawe ee G/Shabellaha Hoose.

Dad ku sugan Degmada Baraawe ayaa sheegay in Cabsi Xoogan ay ka jirto Magaalada,inkastoo Saraakiishii Al-shabaab iyo Ciidankoodiiba ay Magaalada ka baxeen.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii”ayaa sheegay in Ciidamada Huwantaa ay Magaalada ka joogaan Afarta dhinac Qorshuhuna uu yahay in Maalinimada Barri ah ay Ciidamadu galaan Magalada Baraawe.

 Siidii ayaa sidoo kale Carabaabay in ay jiraan Ciidamo dhanka Xeebta ka soo galaya Magaalada Baraawe inkastoo uusan sheegin Dowladaha ay ka socdaan.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Al-shabaab u aheyd Magaalo Muhiim u ah,waxaana Baraawe ay ku biireeysaa Magaalooyin sidaas oo kale ay Shabaabku uga baxeen Dagaal la’aan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS