Wasaaradda Amniga oo soo saartay amarro lagu adkeynayo amniga Muqdisho

Wasaaradda Ammaanka Qaranka ayaa maanta soo saartay maanta amarro la xiriira ammaanka caasimadda inta maalmaha ciidda ee soo socda lagu jiro, iyadoo amarrada lasoo saaray ay ka mid yihiin inaanay Muqdisho soo geli karin qof ka yar 40-sano inta lagu jiro maalmaha Ciiddul Adxa ee soo socda.

Wasaaradda Amniga oo soo saartay amarro lagu adkeynayo amniga Muqdisho

Shir jaraa’id oo uu afhayeenka wasaaradda, Maxamed Yuusuf uu Muqdisho ku qabtay ayuu ku sheegay inay billaabeen howlgallo ammaanka Muqdisho lagu xoojinayo inta lagu jiro ciidda, isagoo xusay inay bishii hore fashiliyeen qorshayaal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo Muqdisho laga fulin lahaa.

“Ciidamada amniga waxay bishii September ee aynu kasoo gudubnay ay ka hortageen 37 isku dayo weerar oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay maleegayeen kooxaha nabad-diidka ah, waxaa gacanta lagu soo dhigay 53 ruux oo ka mid ah Al-shabaab oo ka mid ahaa kuwo amiirro ah,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo intaa ku daray in hub fara badan lagu soo qabtay howlgalladaas.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada amniga ay u diyaar garoobeen sidii ay ammaanka Muqdisho u xoojin lahaayeen inta lagu guda jiro maalmaha ciidda ee nagu soo foolka leh. Wuxuuna intaas ku daray in wadooyinka magaalada qaar ka mid ah la dhigay ciidammo amniga suga, kuwaasoo loogu talo-galay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada magaalada.

“Waddooyinka Muqdisho ciidammo ayaa la dhigay. Ciidamadaas waxaan ugu talo-galnay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada dadka Muqdisho soo galaya, waxaa amar lagu bixiyay in magaalada aysan soo geli karin qof ka 40-sano ka yar inta lagu jiro maalmaha ciidda,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa daba-dhigay in qofkii 40-sano ka yar oo soo gala magaalada looga baahan yahay damiin, isagoo tallaabadan ku sheegay mid lagu adkeynayo amniga dadka muslimiinta ah ee farxadda maalmaha ciidda ka qayb-qaadanaya.

Amarradan kasoo baxay wasaaradda amniga Qaranka ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo ay soo saarto, iyagoo kusoo beegmaya xilli dowladdu ay isku diyarinayso weerarro ay ku qaaddo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada dalka qaarkood.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  amniga muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS