5 entries

Articles Published on October 3, 2014

Qoyska Gabar 15-jir ah oo Soomaaliyeed oo ka Walaacsan Xaaladda Gabadhooda

Qoyska gabar Soomaaliyeed oo 15-jir ah oo Bristol ku nooleyd ayaa sheegay inay ka cabsi-qabaan in gabadhoodu ay u dhooftay dalka Suuriya, iyagoo gabadha oo lagu magacaabo, Yusra Xuseen ka dalbaday inay dib ugu soo laabato gurigooda, waxayna diideen in gabadhooda ay duufsadeen kooxo xagjiriin ah oo Suuriya ka dagaalama.

Wasaaradda Amniga oo soo saartay amarro lagu adkeynayo amniga Muqdisho

Wasaaradda Ammaanka Qaranka ayaa maanta soo saartay maanta amarro la xiriira ammaanka caasimadda inta maalmaha ciidda ee soo socda lagu jiro, iyadoo amarrada lasoo saaray ay ka mid yihiin inaanay Muqdisho soo geli karin qof ka yar 40-sano inta lagu jiro maalmaha Ciiddul Adxa ee soo socda.

Siyaasiga C/Laahi Sheekh Xasan oo Xabsiga laga sii daayay iyo Xog ku aadan Dambiyada ay Dowlada ku eedeesay

Gudoomiyaha Isbahaysiga Nabada iyo Dimuquraadiyada Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa xalay laga sii daayay Xabsiga Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Godka Jilacow kadib markii Xildhibanao iyo Siyaasiyiin ay dadaal badan u galeen sidii looga deyn lahaa Xabsiga.

Inkabadan labo Malyan oo xujay ah oo taagan saaka buurta Carafa iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka

Inkabadan labo malyan oo muslimiin ah ayaa taagan buurta Carafa iyagoo gudanaya rugni kamid ah arkaanta Xajka. Xukaydan oo xiran dhar cad cad ayaa Eebe ka baryayaan inuu u dambi dhaafo iyadoo dharka ay xiran yihiin uu ka turjmayo in Islaamka oo dhan uu siman yahay.

Daawo Sawirada : Buuraleyda Galgala oo laga saaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntiland oo ku dhax lugeenaya Buurahaasi

Maamulka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa shaaca ka qaaday in Xarakada Al-Shabaab ka saareen inta badan aagaga Buuraha Galgala oo xarun weyn u aheed Shabaabka ka dagaalamaya Deegaanada Maamulkaasi.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS