Dad Harraad iyo Gaajo ugu Geeriyooday Deegaanno ka Tirsan Jubbada Hoose

Deegaanada Diif iyo Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay oon iyo gaajo ugu geeriyoodeen sedex qof oo kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee ku noolaa deegaanadaasi

Dad Harraad iyo Gaajo ugu Geeriyooday Deegaanno ka Tirsan Jubbada Hoose

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo HOL u waramay ayaa sheegay in deegaanada hoostaga degmada Afmadow ay ka jirto abaar aad u daran oo saameeysay dadka iyo duunyada, waxa ayna sheegeen in ay adagtahay in dadku helaan biyaha la cabo ee lagama maarmaanka u ah noolaha.

Dadka geeriyooday ayaa la sheegay in ay sababsadeen gaajo iyo haraad, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in qaar kale oo badan ay noloshoodu halis ku jirto hadii aysan helin gurmad deg deg ah.

“Dadka xaalad adag ayay ku noolyihiin, biyo iyo baad midna ma heystaan, xoolihiina waa baaba’, xaalad aad u adag ayaa ka jirto halkan,” sidaa waxaa yiri Max’ed Cabdi oo ka mid ah odoyaasha deegaanka Deg-ilima oo HOL u waramay.

Gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa kamid ah gobollada ay sida ba’an u saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya, waxaana dadkani ay u baahanyihiin in lala soo gaaro gurmad deg-deg ah.

Xigasho:Hiiraan

Section  Somali
Category   Local News
Tag  abaaro

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS