5 entries

Articles Published on October 2, 2014

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldghiyo ay Al-shabaab ku lahayd Degmada Jilib

Diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay inay Kenya leedahay ayaa shalay gellinkii dambe duqeeyay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Wararka laga helayo degmada Jilib ayaa sheegaya in diyaaraduhu ay laba jeer oo is-xiga duqeeyeen laba saldhig oo ay Al-shabaab ku lahayd gudaha iyo duleedka degmadaas.

Dad Harraad iyo Gaajo ugu Geeriyooday Deegaanno ka Tirsan Jubbada Hoose

Deegaanada Diif iyo Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay oon iyo gaajo ugu geeriyoodeen sedex qof oo kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee ku noolaa deegaanadaasi

Qarax lagu weeraray Ciidanka Dowlada Somalia ee ku sugan degmada Jowhar

Afar ruux oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa ku dhaawacmay qarax xalay lagu weeraray ciidamo ku sugnaa koontaroolka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

BAYLE: Ifafaale Wanaagsan ayay Soomaaliya higsanaysaa Sannadka 2016-ka

Wasiirka wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle isla markaana ah ra'iisul wasaare ku xigeen ayaa daboolka ka rogay inuu u muqdo ifafaale wanaagsan oo ay Soomaaliya higsanayso sannadka 2016-ka.

Uhuru Kenyatta oo lagu amray inuu ka Qaybgalo dacwaddiisa Maxkamada ICC

Maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa diidday codsi ka yimid qareennada difaacaya madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta kaasoo ahaa inuusan madaxweynuhu goobjoog ka ahaan karin dhageysiga dacwaddiisa oo bishan billaaban doonta, balse maxkamadda ayaa diidday codsigasa, kuna amartay Kenyatta inuu kasoo qaybgalo dacwaddiisa oo meel xasaasi ah maraysa, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS