Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay Qabsashada Magalaada Muhiimka ah ee Baraawe
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Gobolkaasi uu ka jiro dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan , waxaana lasoo warinayaa in Cutubyo katirsan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen Dhinaca Degmada Baraawe.
Gawaarida Gaashaaman ay wataan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaqaaqeen deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaa oo u jiheestay dhinaca Degmada Baraawe.
Dad ku daqan Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamo tiro badan oo isugu jira kuwa Dowlada iyo AMISOM ay u dhaqaaqeen dhinaca iyo Magaalada Baraawe oo hada ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan.
Ciidamada ka dhaqaaqay Deegaanka Buulo Mareer iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusii dhawaanaya Magaalada Baraawe, waxaana lasoo tabinayaa in Al-Shabaab sidoo kale ay heegan galiyeen Ciidankooda.
Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in maalmaha soo aadan Al-Shabaab kala wareegaan Degmada Baraawe oo ah xarun ta ugu weyn ee Al-Shabaab gacanta ugu jirta ayna kunool yihiin inta badan Saraakiisha kooxdaasi.
Mudooyinkii dambe waxaa hakad galay Howlgalkii Dowlada iyo AMISOM ugu magac dareen Badweynta Hindiya , waxaana saraakiil hadashay ay sheegeen in dhawaan howlgalkaasi uu bilaabanayo Al-Shabaabna laga saarayo deegaanada ay dalka ka maamulaan.
Comments