Bukaan qaba cudurka Ebolaha oo lagu arkay dalka Maraykanka

Bukaankii ugu horeeyay ee qaba cudurka dilaaga ah ee Ebolaha ayaa lagu arkay magaalada Dallas,Texas dalka Maraykanka. Mas’uuliyiin ka tirsan isbitaalka Texas Health Presbyterian Hospital ayaa sheegay in qof aan la shaacin magaciisa lagu hayo qeybta karantiilka ee isbitaalka.

Bukaan qaba cudurka Ebolaha oo lagu arkay dalka Maraykanka

Qofkan oo la sheegay in uu yahay lab ayaa loo malaynayaa in uu cudurkan ka soo qaaday dalka Liberia kahor inta uusan u soo safrin dalka Maraykanka labo toddobaad kahor.

Inkabadan 3,000 oo ruux ayuu cudurkan ku diley wadamo ku yaal Galbeedka Arika halka dhowr ruux oo Maraykan ah una shaqeynaysay ururada gargaarka ay ka soo reysteen cudurkan kadib markii la keenay wadanka Maraykanka.

Agaasimaha xarunta ka hortagga cudurada Maraykanka Thomas Frieden  ayaa weriyaasha u sheegay in qof ka yimid dalka Liberia laga helay cudurka Ebolaha isagoo jooga Maraykanka.

Sida laga soo xigtay Mr Frieden bukaanka ayaa ka soo tegey Liberia 19kii September waxana uu yimid US maalin kadib isagoo aysan ka muuqan wax calaamado ah oo cudurka Ebolaha ah.

Calaamadaha cudurka waxa ay soo ifbaxeen 24September waxaana la dhigay isbitaalka Texas 28kii bishii September isagoo weliba qofka la seexiyay meel karantiil ah.

Waxayna mas’uuliyiinta isbitaalka ay intaa ku dareen in isbitaalka ay horeba u yaaleen qalab cuduradaas oo kale lagula tacaalo. Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in bukaankan laga helay Ebolaha uusan ka mid ahayn shaqaalaha caafimaadka ee gargaarka siinaya dadka uu cudurkan ku dhacay ee dalka Liberia.

Waxaana haatan socda dadaalo lagu doonayo in lagu ogaado dhammaan dadkii uu la kulmay bukaankan laga helay Ebolaha iyadoo dadkaasina la karantiili doono muddo 21 cisho ah. Cudurka Ebolaha ayaan weli daawo rasmi ah loo helin waxaana laga soo sheegayaa cudurkan in uu gaaray wadamo ay ka mid yihiin Nigeria iyo Senegal.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS