163 entries

Articles Published in October, 2014

Bukaan qaba cudurka Ebolaha oo lagu arkay dalka Maraykanka

Bukaankii ugu horeeyay ee qaba cudurka dilaaga ah ee Ebolaha ayaa lagu arkay magaalada Dallas,Texas dalka Maraykanka. Mas’uuliyiin ka tirsan isbitaalka Texas Health Presbyterian Hospital ayaa sheegay in qof aan la shaacin magaciisa lagu hayo qeybta karantiilka ee isbitaalka.

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somalia oo Gudashada Waajibka Xajka ugu Ambabaxay Dalka Sucuudiga Carabiya

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno wasiirro ah ayaa galbta u dhoofay dalka Sucuudi Carabiya si ay uga qayb-galaan gudashada waajibaadka xajka ee sannadkan oo ah tiir ka mid ah tiirarka Islaamka oo qof wlaba oo muslim ah laga doonayo inuu hal mar guto inta uu nool yahay. 

Dowladda Somalia oo laga Caawinayo Hirgelinta Federaalka iyo Garsoorka Dalka

Dalalka Saudi Arabia iyo Switzerland ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan horumarinta nidaamka federaalka dalka iyo garsoorka, kaddib markii xubno dalalkan ka tirsan ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefow

Dagaal ayaa saaka ka qarxay deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed horay ugu dagaalamay deegaankaas, iyadoo uu jiray heshiis la dhex dhigay labadan beelood.

Wariyeyaasha Shabelle ee ku xiran Xabsiga Dhexe oo la sheegay Cunada ka soomeen

Wariyeyaasha Shabelle ee ku xigan xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa la sheegay in maalintii labaad ay Cunada ka soomeen, iyadoo muddo 45 cisho u xiran dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti oo ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa in aanay diyaar u aheyn in xal laga gaaro khilaafka

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa in aanay diyaar u aheyn in xal laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya dowladda.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay Qabsashada Magalaada Muhiimka ah ee Baraawe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Gobolkaasi uu ka jiro dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan , waxaana lasoo warinayaa in Cutubyo katirsan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen Dhinaca Degmada Baraawe.

RW C/weli oo sheegay inay xooga saarayaan dhismaha Maamulada Gobolada

Ra’iisul waasaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay xoogga saarto hirgelinta maamullada gobollada dalka, isagoo xusay inay arrintan ahmiyad gaar ah siinayaan.

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldghiyo ay Al-shabaab ku lahayd Degmada Jilib

Diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay inay Kenya leedahay ayaa shalay gellinkii dambe duqeeyay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Wararka laga helayo degmada Jilib ayaa sheegaya in diyaaraduhu ay laba jeer oo is-xiga duqeeyeen laba saldhig oo ay Al-shabaab ku lahayd gudaha iyo duleedka degmadaas.

Dad Harraad iyo Gaajo ugu Geeriyooday Deegaanno ka Tirsan Jubbada Hoose

Deegaanada Diif iyo Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay oon iyo gaajo ugu geeriyoodeen sedex qof oo kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee ku noolaa deegaanadaasi
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS