173 entries

Articles Published in September, 2014

Al-Shabaab oo iskaga baxay qeybo ka mid ah Galgaduud

Wararka laga helayo Deegaano hoosyimaada Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab ay iskaga baxeen halkaasi ka dib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Culeys saareen.

AMISOM oo Shaacisay in 75% ay ku Guuleysteen Howlgalladeeda Soomaaliya

Ciidamada ururka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa sheegtay inay hadda 75% ay ku guuleysteen howlgalkooda Somalia tan iyo bishii February 2013-kii.

Taliyaha AMISOM oo ka Hadlay Al-shabaab iyo Howlgallada ka socda Somalia

Taliyaha AMISOM Jen. Silas Ntigurirwa oo haatan ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa sheegay in haddii geerida Amiirka Al-shabaab ay dhab noqoto ay taasi Qaaradda Afrika kaga dhignaan doonto guul weyn.

Boko Haraam oo la Wareegtay Magaalada labaad ee ugu Weyn Gobolka Borno

Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa la wareegtay magaalada Bama ee waqooyig-bari ee dalkaas, kaddib dagaallo xooggan oo dhaxmaray mintidiinta iyo ciidamada dawladda sida ay sheegeen dadka deegaanka.

GEEDOOLE: “Wax-soo-saarku Muhiimad ayuu u leeyahay Dalka iyo Bulshada”

Madaxda Wasaaradda Beeraha, Ciidanka Miitariga iyo daneeyayaasha wax soo saarka dalka ayaa shalay ka qayb galay munaasibad lagu soo gurayey dalag ka soo go’ay Mashruuca beerista Banka Wajaale.

Ciidamada Huwanta ah oo Qabsaday deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud

Wararka laga helayo gobolka Galguduud ayaa sheegay inay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Wasaaradda Amniga Qaranka oo u digtey mas'uuliyiinta dowladda iyo shacabkaba

Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ayaa ka digtey weerarro aargoosi ah oo ay suurogal tahay in Ururka Al-shabaab uusoo abaabulo, weeraradaas oo jawaab u ah dilka Axmed Cabdi Godane oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelada Hoose.

Xukuumadda oo soo dhoweysey geerida hoggaamiyihii Ururka Al-Shabaab

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay dilka hoggaamiyihii Ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo sida la xaqiijiyey lagu diley duqeyn ay diyaaradaha Maraykanku geysteen.

Maxaad ka taqaanaa Taariikhda Axmed Godane

Magaciisa oo buuxa waxaa la yiraahdaa Axmed Cabdi Aw-Max’amuud Godane Al-Shabana waxay ugu yeeraan Sh,Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.

Madaxda Dalka oo Shacabka ugu laab qaboojiyay Geerida Axmed Godane

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheikh Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in uu Geeriyooday Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo 1-dii Bishaan lagu dilay Weerar Diyaaradaha Mareykanka ay ka geeysteen Gobolka Shabellaha Hoose.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS