173 entries
Articles Published in September, 2014
Gudiga dib u heshiisiinta beelaha dega Jubooyinka ayaa maanta magaalada Kismaayo ka bilaabay kulamo tashi ah oo ay la yeelanayaan beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka, kuwaasoo la filayo in ay ka qeybqaataan shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ee la qorsheynayo in 16-ka bishan uu ka furmo Kismaayo.
Xili gobollada koonfurta iyo bartamaha Somalia ka soconayaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay dowladda ugu magac-dartay India Ocean {Badweynta Hindiya] ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM kaabiga ku hayaan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.