173 entries

Articles Published in September, 2014

Wafdi ka Socda Maamulka Khaatumo oo Markii ugu Horreysay Gaaray Taleex

Wafti ka socda maamulka Khaatumo ayaa markii u horreysay gaaray degmada Taleex ee gobolka Sool tan iyo markii degmadaas la qabsaday muddo haatan laga joogo saddex bilood.

Cabdi Qaybdiid oo shaaciyay inay Xayiraaddii ka qaadeen Garoonka Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta shir jiraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay inay xayiraaddii ka qaadeen garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee ay maamusho Puntland.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Minnesota oo kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed

Xeer Ilaaliyaha guud ee Minnesota, Andy Lugar ayaa kulan wada-tashi ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee biiraya urrurada ISIS ee Ciraaq iyo Suuriya iyo kooxda Al-shabaab wuxuu shalay la qaatay jaaliyadda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Ururka Jaamacadda Carabta oo ka hadlay Xaalada Bini’aadantinimo ee Somalia

Dr. Nabiil Al-carabi, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo kaqeybgalayay shir ay hey’adda Isku-xirka arimaha Samafalka Qaramadda Midobe, soo qaban qaabisay oo ujedkiisa uu ahaa ka hadalka Arrimaha Samafalka ee Qaxootiga Yemen iyo Somalia,ayaa waxaa uusoo hadal qaaday arimaha Qaxootiga somaliya ayaa waxaa uu shegay in Qaxootiga somalida ay wajahayso caqabadaha ugu khatarta badan tan iyo sanadkii 2011.

AMISOM oo sheegtay inay Howlgal Qarsoodi ah ka Fulisay Gobolka Galguduud

Ku-simaha ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto ayaa ciidmada AMISOM ee ku sugan gobolka Galguduud ku ammaanay howlgal ay si qarsoodi ah uga furliyaan gobolkaas, kaasoo ay ku weerareen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan oo jaray jidka isku xira degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

Dowlada Turkiga oo kaalmo Bani’aadanimo soo gaarsiisay Somalia

Kaddib markii dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarku ay ku dhawaaqeen in Somalia ay ka jiraan abaaro aad u daran oo saameeyay ku yeeshay dadka iyo duuniyada ayaa waxaa durba kasoo jawaabay baaq ay dowladdu caalamka u dirtay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

RW Cabdiweli Sheekh oo su'aalo laga weydiiyay Wareejinta Dekedda Muqdisho

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Somalia ayaa su'aalo ka weydiiyay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed iyo xubno wasiirro ah wareejinta shirka Al-Beyraat ee Turkiga ah lagu wareejiyay dekedda Muqdisho, iyadoo aan baarlamaanka la marin heshiiska lala galay shirkaddan.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Qarka u saaran Cadale iyo Raage Ceelle

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa kusii siqaya qaybo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Mu’addin Masaajid oo lagu Toogtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay xafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne Alle ha u naxariisteen Sheekh Wardi Saalax oo mu’adin ka ahaa mid ka mid ah masaajida magaalada.

Natanyaho oo sheegay In Dowlada Iiraan ay ka halis badan tahay kooxda ISIL

Ra’iisul wasaaraha Israel, Binyamin Natanyahu  oo hadal ka jeedinayay shirkii New York ayaa dowladda Iran uga digay samaysashada hubka Nuyuliyeerka,waxaana uu sheegay in hubka Iran uu wax badan ka khatar badan-yahay ISIL.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS