173 entries

Articles Published in September, 2014

Daawo Sawiradda:Sida loo soo dhaweeeyay Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Cadaado

Madxweynaha Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo ay la socdaan xubno maamulkiisa ka tirsan.

Xassan Shiikh:Caalamku Wuxuu arki doonaa Somalia oo Mid ah 2016-ka

Somalia waxay ku jirtaa marxlad xasaasi ah si dalka loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni, ayuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ku billaabay khudbaddii uu ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay.

Dowladda Qadar oo ka digaysa Cunno yarida Xilligan ka jirta dalka Soomaaliya

Dowladda Qadar ayaa ka digtay cunta yarida ka jirta qaybo kamid ah Somaliya oo ka sii daraysay bilihii la soo dhaafay ,waxaana Dooxa ay ka codsatay beesha caalamka in laga fagaado dib u soo noqoshada abaartii Somalia ku dhuftay seddex sano ka hor.

M/weyne Xasan Sheikh oo sheegay in la wiiqay Awoodii Al-shabaab{DHAGEYSO}

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa Qudbadiisa uu kajeediyay fadhiga golaha Guud ee Qaramada Midoowe waxa u kusoo qaaday arimaha amaanka ,xaaladaha bini aadanimo ee dalka kajira iyo dooorashooyinka dowladiisu ay qorsheeneeso in laqabto sanadka 2016.

Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in la soo faragaliyo Khilaafka Galmudug iyo Puntland

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed  Ee Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Warsaxaafadedkaasi Maamulka Puntland uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay soo faragaliso Khilaafka soo kala dhexgalay Maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana salka ku haya Xirnaashaha Garoomada Magaalada Gaalkacyo.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Uganda oo laga diiday in Magdhow laga siiyo Diyaarado ka bur buray

QM,ayaa shaacisay in aysan ka  bixin doonin Magdhow sedex diyaaradood oo ahaa Nooca Qumaatiga Uduula oo ay la haayeen dowladda Uganda kuswaasoo ku bur buray Buurada Mount Kenya xili ay usoo socdeen dalka Somaliya si ay ugu mid noqdaan Howlgallada Midowga Africa Sandkii 2012.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Maxkamada ciidamada oo dil ku xukuntay askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya

Maxkamadda ciidamada xoogga dalka ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dad shacab ah dhac ugu geysteen waddada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Madaxweynaha Soomaaliya oo cadeeyay heerka uu Marayo Khilaafka kala dhexeeya R.wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray inay jirto kala aragti duwanaansho isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha u dhaxeeya, isagoo cadeeyay inay ku xalin doonaan xeerarka u yaala dowladda.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS