German police on Saturday arrested two men suspected of being members of the Somali terror organization al-Shabaab when they arrived at Frankfurt airport, the German attorney general's office said Sunday.
Xoogsatada Dakada Muqdisho ayaa manta waxa ay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka sameyeen Dibad bax ay kaga Cabanayaan Shirkadii dhawaan la wareegtay dakada Muqdisho taasi oo ay sheegayaan in ay Caqabad ku noqotay Howlihii Shaqo ee ay ka qaban jireen dakada.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ee isu soo dhiibaya dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga faa’ideystaan cafiska ay dowladda u fidisay.
Wararka ka imaanaya magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo ayaa sheegaya in howl galo ciidamada ammaanka ka sameeyeen ay ku soo qabteen rag iyo dumar sitay waxyaabaha qarxa, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.
Ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaa hor leh oo ku yaalla galbeedka Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.