173 entries
Articles Published in September, 2014
Wafdigii ka socday dowlad goboleedka IGAD iyo maamulka Jubba ayaa ka warbixiyay dadaallo nabadeed oo maalmihii u danbeeyay ka soconayay degmada Kismaayo, iyadoo ay ugu muhiimsanayd soo xareynta ciidamadii uu hogaaminayay COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo.
Taliyaha ciidammada Mareykanka ee dalalka Geeska Afrika Jeneral Well Crisp oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa booqday xarunta Villa Baydhaba iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo uu soo indho indheeyay dhammaan qeybaha ciidammada iyo sida ay u shaqeeyaan, halkaasi oo uu war-bixinno ka dhageystay saraakiisha madaxda ka ah xarumahaasi uu maanta booqday.