Wariye ka howlgala Sool oo Maalintii Sadexaad ku xiran Saldhiga Laascaanood

Weriye Cabdulqani Ismaaciil Goox oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala gobolka Sool, ahna wakiilka Somset TV ayaa maalintii sadexaad ku xiran saldhiga booliiska magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaddib markii ciidanka boolisku ay maalin ka hor ka kaxaysteen gurigiisa.

Wariye ka howlgala Sool oo Maalintii Sadexaad ku xiran Saldhiga Laascaanood

Taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool, C/raxmaan Colhaye ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada milaterigu soo dacweeyeen wariyaha, ayna guddiga nabadgelyada gobolku go'aan ka gaarayaan, isagoo intaas ku daray inaan la ogeyn in damiin lagu sii daayo.

Qaarka ka mid ah ciidamada booliiska gobolka ayaa sheegay in ciidamada millatarigu ku eedeeyeen wariyaha in si qaldan uu uga warbixiyay weerar ciidamada Somaliland ay kusoo qaadeen todobaadkii hore ciidammo ka mid ah kuwa maamulka Khaatumo.

Ma jiro wax hadal ah oo xariga ku wariyaha ku saabsan oo ciidanka milateriga Somaliland ee gobolka ku sugan kasoo baxay, iyadoo wariyaha lagu xiray silsilado, lana geliyay qol yar oo saldhigga ka tirsan.

Ciidamada milateriga Somaliland ayaa bilihii u dambeeyey awood saarayay saxaafadda ka hawlgasha gobolka Sool, iyadoo 28-kii bishii hore ay qalabkii ka qaaden afar wariye oo ka howlgala gobolka kuwaasoo kasoo laabtay doorashadii madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh.

Dhanka kale, 12-kii bishan ayaa weriye C/kariin Olol oo Somali Chennai u warama ayaa muddo u xirnaa ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka degmada Laascaanood. Iyadoo aanay caddeyn wuxuu kasban doono wariye C/qani Goox.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  laascaanood

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS