Natanyaho oo sheegay In Dowlada Iiraan ay ka halis badan tahay kooxda ISIL
Ra’iisul wasaaraha Israel, Binyamin Natanyahu oo hadal ka jeedinayay shirkii New York ayaa dowladda Iran uga digay samaysashada hubka Nuyuliyeerka,waxaana uu sheegay in hubka Iran uu wax badan ka khatar badan-yahay ISIL.
Waxaa kaloo uu sheegay in kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya bariga dhexe ay la mid –yihiin ururka Hamas ,isaga oo sheegay in Iran iyo ISIL ay sidoo kale la mid-yihiin Naaziyintii Jarmalka ee dagaalkii labaad ee adddunka.
“Iyada laga fogaanayo wax khaladaad ah waa in laga adkaadaa kooxaha islaamiyinta ah ,laakinse in Iran la iska indha tiro waxa ay ka dhigantahay in lagu guulaystay dagaalka hadana dhinac kale laga khasaaray “ayuu ku sheegay Natan-yahu khudbaddiisa.
Natanyahu ayaa ISIL iyo Hamas ku sheegay qayb-kamid ah geed sumaysan oo caalamka dhibaato ku haya ,mana uusan soo hadal-qaadin duqaymihii dhawaan ay Israel ka fulisay marinka Gaza oo ay dad badani ku dhinteen.
“Awoodaha milatari ee Iran ee arintan ku aadan waa in hoos loo dhigaa, haddii wada hadaladii arimahan laga galay cunaqabataynta looga qaado Tahran waxaa u sahlanaan doona in ay helaan hubkaas “ ayuu mar kale xusay.
Ugu danbayntii dowladda Israel ayaa Iran u aragta khatar ku soo fool leh dowladaha dariska la ah ,waxaana dhowr jeer oo hore ay beesha caalamka ugu baaqeen in lala dagaallamo dadaallada Iran ay ku doonayso in ay ku samaysato hubka Nuyukliyeerka.
Comments