Mu’addin Masaajid oo lagu Toogtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay xafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne Alle ha u naxariisteen Sheekh Wardi Saalax oo mu’adin ka ahaa mid ka mid ah masaajida magaalada.

Mu’addin Masaajid oo lagu Toogtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Mu'adinka ayaa la sheegay in la dillay xili uu ku sii jeeday gurgiisa oo ku yaala isla xaafadda Howl-wadaag, lamana oga ilaa iyo hadda cidda ka danbeysay dilkiisa iyo sababta loo dillay intaba.

Ciidammada maamulka gobolka Hiiraan ayaa markiiba gaaray goobta ay toogashada ka dhacday , hasse ahaatee lama sheegin cid ay u soo qabteen falka dilka ah.

Labo habeen ka hor ayeey aheyd markii siddan oo kale kooxo hubeysan ku toogeen isla xaafadda Howl-wadaag ee degmada Beledweyne guddoomiyihii deegaanka Buq-goosaar  Aadan Max’ed Aadan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baladweyne

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS