MADAXWEYNE XASAN SHIIKH: Haddaanu Ammaan jirin Horumarna ma jiri karo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Max’uud oo xalay ka qeybgalay xaflad ka dhacday degmada heliwaa goboolka Banaadir taasoo loogu magacday “Kulanka Madaxweeynaha iyo maamulka gobolka Banaadir”.

MADAXWEYNE XASAN SHIIKH: Haddaanu Ammaan jirin Horumarna ma jiri karo
Munaasibaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ka socotay labada gole ee dowladda Soomaaliya, wakiillo ka socday maamullada gobollada oo ay kamid ahaayeen Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen (Muungaab) oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay xaaladda guud ee gobolka Banaadir isagoo sheegay in nabadgelyada gobolka ay imika tahay mid la isku haleyn karo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyay munaasibadda ayaa xusay in degmada Heliwaa ee ay xafladdu ka dhaceeysay ay ahaan jirtay degmada ugu amniga xun ee gobolka Banaadir, caawana ay si nabadgely o ah uga dhaceeyso xaflad ay kasoo qeybgaleen dad aad u badan.

Madaxweynaha ayaa xusay in amnigu yahay sheyga ugu horeeya ee suurogelin kara in la helo waxbarasho, caafimaad iyo horumar, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri: “Amnigu wuxuu kamid yahay waxyaalaha aqoonta, xirfadda iyo istaraatijiyadda in loo dejiyo u baahan, hadaanu amni jirin wax horumar ah ma jiro.”

Madaxweynaha aya dhinaca kale sheegay in dalka Soomaaliya ay ka soconayaan dadaallo nabadeed iyo dib u heshiisiin la doonayo in dalka looga hirgeliyo nidaamka federaalka ah.

“Dalka waxaa ka socda wada tashiyo, wada hadal, dib u heshiisiin shirar kala duwan ayaa Jamhuuriyadda qeybaheeda kala duwan ka socda, oo ay caawa dad Soomaaliyeed wada fadhiyaan, oo ay ku tashanayaan meeshaas, deegaankaas iyo deeganadaas dadkaa ay ka yimaadeen sidii maamul ay raali ka yihiin oo ay aayahooda iyo mustaqbalkooda ku hogaamiyaan u yeelan lahaayeen,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciy.

Madaxweynaha aya ugu danbeyntii ka codsaday umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay ka qeybqaataan sidii dalka loogu soo celin lahaa nabad iyo kala danbeyn.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS