Dhallinyaro lagu eedeeyay inay Jaajuusiin ahaayeen oo lagu Toogtay Baraawe

Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada dhexe ku toogtay afar dhallinyaro ah gellinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen jawaasiis la shaqeeya dowladda Soomaaliya.

Dhallinyaro lagu eedeeyay inay Jaajuusiin ahaayeen oo lagu Toogtay Baraawe

Afartan ruux ee dhallinyarada ah oo dhammaantood rag ahaa ayaa waxay da’doodu ka yarayd soddon sano, iyadoo dadweyne fara badan la isugu keentay halkii ay toogasho ka dhacaysay.

Dhallinyarada la toogtay ayaa la sheegay inay siyaabo kala duwan basaas ugu ahaayeen dowladda iyo hay’ado daggan Muqdisho, waxaana ka mid ahaa raggaas; Mahad Xasan Ciise oo 26-jir ahaa kaasoo lagu eedeeya inuu la shaqeynayay hay’adda CRD iyo ciidamada Nabad-sugida dowladda.

Xasan Xaaji Aawow oo 27-jir ahaa oo isna lagu eedeeyay inuu inuu ka mid ahaa ciidamada gaar ah ee sirdoonka dowladda, kuwaasoo lagu magacaabo Alpha Group. Maxammed Xasan 18- jir ahaa oo lagu eedeeyay isna inuu ka tirsanaa nabad-sugidda dowladda Somalia iyo Axmed Maxamed Aadam oo isna lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay waddamo shisheeye ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in afartaan dhallinyarada ah ay toogteen rag ka tirsan Al-shabaab oo wajiyada qarsaday, iyadoo mid walbana madaxa laga toogtay, halkaasna ay kuwada geeriyoodeen.

Toogashadan dhallinyaradan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli maalintii jimcaha ahayd ee aynu soo dhaafnay dhagax lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray, Safiyo Axmed Jimcaale oo 33-jir ahayd, laguna eedeeyay inay isla guursatay mar keliya saddex rag ah oo aan is-ogeyn.

Dilalka ay Al-shabaab ka fulisay gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay ku soo beegmayaa kaddib geeridii hoggaamiyahoodii hore, Axmed Godane oo horraantii bishan lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolkaas.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS