Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Qarka u saaran Cadale iyo Raage Ceelle
Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa kusii siqaya qaybo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada ay la wareegeen deegaanno degmada Cadale iyo deegaanka Raage-ceelle ku dhow, haatanna ay qorsheynayaan in ay labadaan goobood oo muhiim ah la wareegaan.
Sidoo kale, wararka laga helayo gobolka Shabeellad Dhexe ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ku sugan yihiin deegaanka Qorilow oo horay u ahayd goob ay Al-shabaab gacanta ku hayeen.
Ciidamadan ayaa ka dhadhaqaay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida degmada Warsheekh oo ay ka baxdo waddo tagta Cadale, iyadoo la sheegayo in qorshahoodu yahay inay isku xiraan Muqdisho deegaannada xeebta ku yaalla.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay wajiga labaad ee howlgalka ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ay dhawaanahan wadeen ee loo yaqaan Badweynta Hindiya.
Bishan iyo tii ka horreysay ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay horay uga talin jirta, iyadoo aanay jirin wax war ah oo arrintan ku saabsan oo weli ka soo baxay Al-shabaab.
Comments