Uganda oo laga diiday in Magdhow laga siiyo Diyaarado ka bur buray

QM,ayaa shaacisay in aysan ka  bixin doonin Magdhow sedex diyaaradood oo ahaa Nooca Qumaatiga Uduula oo ay la haayeen dowladda Uganda kuswaasoo ku bur buray Buurada Mount Kenya xili ay usoo socdeen dalka Somaliya si ay ugu mid noqdaan Howlgallada Midowga Africa Sandkii 2012.

Uganda oo laga diiday in Magdhow laga siiyo Diyaarado ka bur buray

“Ma arko wax ifafaalo wanaagsan in Qaramada Midoobay ay magdhaw inaga siin doonaan khasaaraha diyaaradaha qumaatiga u kaca. Waxaana sameyn doonaan wax kasta oo suurto gal ah in aan helno magdhow ah diyaaradihii helicopters-ka ahaa ee naga bur buray , “ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Difaaca, Gen Katumba Wamala, oo  saxaafada xarunta ciidamada ee Mbuya,ee caasimada  Kampala, warkaan ugu sheegay.

Urur caalami ah oo ka shaqeeya Hubka caalamka loo kala gudbiyo ee la yiraahdo “SIPRI” ayaa sheegay in saddexda Diyaaradood ee Milliteriga Uganda ka burburay ay ahaayeen nooca  MI 24  kuwaasi oo kharajkooda guud dhan yahay 10-million oo Dollar.

Gen Katumba ayaa Qiray in Qaramadda Midoobe ,aay Uganda ushegtay inta diyaaradaha qumaatiga u kaca  inta aysan guda galin goobta howlgalka, Somalia ay  burbureen.

Sedexda diyaaradood ee dowladda Uganda ay magdhowga uraadineyso,ayaa waxaa ay ku bur bureen Buuraha Mount Kenya bishii August sanadkii 2012,iyadoona loo sababeyay Cimida oo aad uxumeed,waxana ku geeryooday todobo xubnood,iyadoona ay ku dhawacmeen tiro intaasi ka badan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Uganda

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS