Madaxweynaha Soomaaliya oo cadeeyay heerka uu Marayo Khilaafka kala dhexeeya R.wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray inay jirto kala aragti duwanaansho isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha u dhaxeeya, isagoo cadeeyay inay ku xalin doonaan xeerarka u yaala dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo cadeeyay heerka uu Marayo Khilaafka kala dhexeeya R.wasaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay sidii sanadka 2016 dalka uga dhici lahaayeen doorasho, isagoo xusay in juhdi badan ay gelin doonaan.

“Qorshaha sanadka hore aan dejinay wuxuu ahaa in 2016 Soomaaliya ay ka dhacaan doorasho, markaan dejineynay maanka ku heynay inay caqabado badan iyo mushaakilaad inay jiraan, waxaa aaminsanahay in waxaas oo dhan laga gudbi karo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay socdaan sharciyadii lagu gaari lahaa doorasho dalkan ka dhacda, sida dib u habeynta dastuurka, in afti loo qaado, arrinta federaalismka, xadeynta xuduuda, gudiga doorashada, waxaana uu cadeeyay in dhamaan sharciyadaas uu hor yaalo Baarlamaanka.

Mar la weydiiyay Madaxweynaha warar soo baxaya oo sheegay inuu jiro kala aragti duwanaan u dhaxeysa isaga iyo Ra’iisul Wasaare C/wali ayuu cadeeyay inay taas jirto, isagoo ku sababeeyay inay qeyb ka tahay dhaqan horay u soo jiray 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed oo dhowaan booqday dalka Britain ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Birmingham ka sheegay inuu jiro kala aragti duwanaan u dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS