Xassan Shiikh:Caalamku Wuxuu arki doonaa Somalia oo Mid ah 2016-ka
Somalia waxay ku jirtaa marxlad xasaasi ah si dalka loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni, ayuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ku billaabay khudbaddii uu ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay.
Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in dowladdiisu ay dagaal kula jirto sidii ay amniga u xaqijin lahayd una u tirtiri lahayd fikirka Al-shabaab, isagoo sii raaciyay intaas in caalamku uu arki doono Soomaaliya oo midowday marka la gaaro sannadka 2016-ka.
“Waxaan caalamka u sheegayaa in Soomaaliya uu u ifayo mustaqbal fiican, uuna dalku ku socdo sidii Qaran mid ah. Waxaadna arki doonaan Soomaaliya oo ah mideysan marka la gaarso sannadka 2016-ka,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khubaddii uu ka jeediyay shirka 69-aad ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ay qaadday tallaabooyin la taaban karo oo ay ka qaybqaateen dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan haweenka iyo kuw laga tirade badan yahay, taasoo ah hannaan siyaasadeed oo dalka dib loogu dhisayo.
“Guulaha aan gaarnay waxay u baahan yihiin taageero aan ka helno dunida, balse intii aan qabannay oo dhan waa mid ku timid isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay shir gaar ah oo Soomaaliya loo qabtay intii aanu furmin shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo ay isla guddoominayeen isaga iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isgaoo xusay in shirkan looga hadlay sidii Soomaaliya lagu taageeri lahaa.
“Intii uu shirku socday ayuu xohayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon hoosta ka xariiqay in qorshaha nabadda Soomaaliya uu dardar ku socdo, balse loona baahan yahay in laga wada qaybqaato,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo xusay in howlo fara badan ay horyaallaan dowladdiisa.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa kaga hadlay khudbaddiisa xaaladaha bani’aadamnimo ee ka jira Soomaaliya, isgaoo hoosta xariiq ka mariyay in 3.2 milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin naf-badbaadin iyo kaalmo deg-dega ah.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay gacan siiyaan dowladdiisa inay ka gaarayso hadafkeeda ah inay dib u soo celiso midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya oo uu sheegay inay salka u dhigayaan marka la gaaro sannadka 2016-ka.
Comments