Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in la soo faragaliyo Khilaafka Galmudug iyo Puntland

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed  Ee Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Warsaxaafadedkaasi Maamulka Puntland uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay soo faragaliso Khilaafka soo kala dhexgalay Maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana salka ku haya Xirnaashaha Garoomada Magaalada Gaalkacyo.

Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in la soo faragaliyo Khilaafka Galmudug iyo Puntland

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri”Puntland diyaar uma ahan in ay ka qeyb qaatado dagaal ka dhaca Gobolka Mudug oo ay wada galaan Maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug”.

Waxaa sidoo kale Warka qoraalkaa ee ka soo baxay Maamulka Puntland lagu sheegay in Maamulka Puntland uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo Nabada Gobolka Mudug oo uu ka hortago Dagaal dad ay ku dhintaan oo Gobolka ka dhaca.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa horay Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya u diray Warqado Cabasho ah oo uu ku sheegayo in garoon Galmudug ay ku lahayd Koofurta Gaalkacyo ay Puntland Xanimaad saartay,iyadoona sido kale Galmudug ay Xirtay garoonkii Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Galmudug iyo Puntland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS