Dowladda Qadar oo ka digaysa Cunno yarida Xilligan ka jirta dalka Soomaaliya

Dowladda Qadar ayaa ka digtay cunta yarida ka jirta qaybo kamid ah Somaliya oo ka sii daraysay bilihii la soo dhaafay ,waxaana Dooxa ay ka codsatay beesha caalamka in laga fagaado dib u soo noqoshada abaartii Somalia ku dhuftay seddex sano ka hor.

Dowladda Qadar oo ka digaysa Cunno yarida Xilligan ka jirta dalka Soomaaliya

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee QNA ,waxaa baaqa digniintan diray ku xigeenka xog-hayaha joogtada ah e howl-galka Geneva Nuur Ibraahim Al-Sada,taasi oo ka qayb-galaysay kalfadhigii 27-aad ee arimaha bini'aadnimada oo looga hadlayay arimaha Somaliya.

"Kaddib marki aan aragnay warbixinno dhowr ah ,waan xaqiiqsannay in xaaladda bini'aadanimo ee Somaliya ay adagtahay sababo la xiriira colaado dalka ka so jiray muddo aad u fara badan "ayey tiri Al-Sada oo kulanka hadal ka jeedisay.

"Waxaan kaloo taagaaraynaa dib u eegista dastuurka Somaliya iyo shaqada dowladda ee ku aadan dhisidda maamulada dalka oo tiirar muhiim ah u noqon kara in horey loo socdo si xal dib u heshiisiineed iyo mid xasilooni loo gaaro "ayey hadalkeeda ku dartay.

Noora ayaa canbaaraysay qaar kamid ah weeraradii dalka ka dhacay, kuwaasoo ay ku tilmaamtay in ay xad-gudub ku ahaayeen xeerarka caalamiga ah ee dhanka bini'aadnimadda, iyadoo dalbatay in arimahan laga sameeyo baaritaanno dhab ah.

Ugu danbayntii dowladda Qadar ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay si joogta ah uga qayb-qaataan dadaallada lagu horumarinayo maamulada ka jira dalka Somaliya si loo ilaaliyo xuquuqaha bini'aadannimo ee dad ku nool gobolka oo dhan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Qadar

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS