Mudaharaad ka dhacay Muqdisho oo ay dhigeen Xoogsatada dakada Muqdisho

Xoogsatada Dakada Muqdisho ayaa manta waxa ay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka sameyeen Dibad bax ay kaga Cabanayaan Shirkadii dhawaan la wareegtay dakada Muqdisho taasi oo ay sheegayaan in ay Caqabad ku noqotay Howlihii Shaqo ee ay ka qaban jireen dakada.

Mudaharaad ka dhacay Muqdisho oo ay dhigeen Xoogsatada dakada Muqdisho

Xalaamatada ayaa waxa ay ahaayeen kuwo iskood isku soo abaabulay waxa ayna socod ku soo mareen Afaafka hore ee Barlamanka Soomaaliya in kastoo uu manta Fasax ahaa hada.

Qaar ka mid ah dadka dibad Baxa dhigaayay ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka xun yihiin Habka loo maray wareejinta Dakada waxa ayna sheegeen in markii hore lagu war giliyay in aysan shaqadooda wax sameen ah ku yeelan doonin balse ay tilmaameen taasi in ayan dhicin ee xataa loo diiday in ay galaan Dakada.

Dhanka kale Barlamanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay aheed waxaa loo qeebiyay Mooshin ka dhan ah Shirkada la wareegtay dakada Muqdisho oo si rasmi ah wasaarada ay arintaasi quseyso ugu wareejisay barlamanka ayaana ah hada halka laga war sugaayo waxa uu ka dhaho Shirkada turkiga ah ee maamulka Dakada la wareegtay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS