7 entries

Articles Published on September 23, 2014

Dagaal dhex mara Puntland iyo Galmudug oo laga digay si xaalad aan wanaagsaneen laga dareemaayo labada dhinac.

Iyadoo uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa soo baxaya digniino laga bixinayo dagaalo labada dhinac dhex mara, kadib markii Puntland ay sheegtay in Gobolka Mudug oo dhan ay xukunto.

Mareykanka oo bilaabay duqeyntii u horeysay oo ka dhan ah kooxda

Mareykanka iyo dalal ka tirsan Carabta oo isbaheysi ku ah dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS ayaa qaaday weerarkii u horeeyay oo dhinac cirka ah goobo kooxdaas kaga sugan yihiin dalka Suuriya.

Mudaharaad ka dhacay Muqdisho oo ay dhigeen Xoogsatada dakada Muqdisho

Xoogsatada Dakada Muqdisho ayaa manta waxa ay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka sameyeen Dibad bax ay kaga Cabanayaan Shirkadii dhawaan la wareegtay dakada Muqdisho taasi oo ay sheegayaan in ay Caqabad ku noqotay Howlihii Shaqo ee ay ka qaban jireen dakada.

Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo sheegay inay kordheen dhalinyarada Al-Shabaab ka soo goosato

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ee isu soo dhiibaya dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga faa’ideystaan cafiska ay dowladda u fidisay.

Dad biyo la’aan u geeriyooday gobolka Gedo

Kudhawaad labaatan qof ayaa oon dartii ugu geeriyootay degaano hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo sida ay sheegeen maamulka degaanka.

Ciidamada ammaanka Kismaayo oo rag iyo dumar ku soo qabtay bambooyin iyo waxyaabaha qarxa

Wararka ka imaanaya magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo ayaa sheegaya in howl galo ciidamada ammaanka ka sameeyeen ay ku soo qabteen rag iyo dumar sitay waxyaabaha qarxa, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

Ciidanka dowladda oo qabsaday tuulada Baar oo hoos-tagta Beledweyne

Ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaa hor leh oo ku yaalla galbeedka Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS