Sanbaloolshe”oo sheegay in Siyaasad Xilka looga qaaday”
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in Xilka qaadistiisii ay ka danbeeysay Siyaasad, waxaa uu Xusay in Dad Muran siyaasadeed ay u dhaxeeysay uu soo dhexgalay markii hore.
C/laahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe ayaa meesha ka saaray in uu Amar diido ku sameeyay Gudi Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Maxamed uu soo diray,kaasi oo ku aadanaa in Gudiga uu siidaayo Xildhibaan uu Xiray Sanbaloolshe,iyadoona Sanbaloolshe uu hadalkaasi wax kama jiraan ku tilmaamay.
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa wax laga weydiiyay in Xilka waxyaabihii uu ku waayey ay kamid aheyd Xarig iyo Caburin lagu sameyay Warbaahinta Muqdisho,waxaana C/laahi Maxmed Cali Sanbaloolshe uu sheegay in uu Aamisan yahay in Warbaahinta Soomaalida Afka la qabto si ay u yareeto Wax ka sheega Dowladda sida uu yiri.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Xilka ka qaaday 7-dii Bishaan,iyadoona Shalay oo ay aheyd 20-ka Bishaan uu Madaxweynaha Soomaaliya Taageeray Go’aankii Golaha Wasiirada ay ku Eryeen Mudane Sanbaloolshe.
Comments